Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ee SEIT ayaa shaaciyey qabashada Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HoP#154, oo dib loogu celinayo, kadib markii ay go’aamiyeen Guddiga Doorashada Heer Federaal ee FEIT.
Kursigaan oo degaan doorashadiisu tahay Magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa ka mid ahaa kuraas ay dib u celiyeen Guddiga doorashooyinka heer Fedaraal, si loo waafajiyo habraaca guud ee loo dajiyay doorashada.
Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed SEIT ayaa maanta Shahaadada Musharaxnimada Gudoonsiiyey Sareedo Maxamed Cabdalla iyo Nasteexo Maxamed Yuusuf oo mar kale ku tartamaya kursiga Hop154.
Waxaa kursigan kusoo baxday Sareedo Maxamed Cabdalla, isla iyada ayaa la filayaa inay mar kale kusoo baxdo, iyadoo uu madaxweynaha K/Gabeed u xiray kurisgaasi oo ay hore ugu fadhiday.
Waxaana kursiga lagu soo oogay dacwad ku saabsan in musharaxa la tartamay Xildhibaan Sareeda ee ay la timid ay ahayd gabar da’ yar oo aan gaarin da’dii loogu talogalay musharaxnimada xildhibaannada Golaha Shacabka.
