Waxaan ku dhex jirnaa waxyaabaha la-yaabka leh ee laga diiwaan geliyay doorashooyinka 2016 oo ka mida doorashooyinka ugu musuqa badan taariikhda Soomaaliya.
Qormadan waxaan ku eegeynaa farsamo baahday oo musharixiinta doorasahda ee kala duwan, kuwooada lacagta iyo magaca leh ay u maareeyeen in lasoo doorto.
Senatoorada Aqalka Sare ayaa ah kuwa ugu weyn ee musuqa ugu badani ka dhacay, maadaama ay soo magacaabayeen madaxda maamulada dalka iyo kuwa dowladda federaalka.
Musharixiinta la doonayo in xilka ay ku soo baxaan waxaa marka hore magacaabaya madaxweyne maamul goboleed ama mid federaal, kadibna waxaa loo raadinayaa qof magac u yaal ah oo xilka kula tartama.
Qofkaasi waxaa soo xulanaya musharaxa weyn laftiisa, waxaana dhaceysa inuu ka bixiyo lacagta is -diiwaan gelinta, kadibna la siiyo kharash kale oo shaqsiyadiisa lagu iibsaday, sidaasina ayaana kuraas badan lagu helay.
Mararka qaarkood waxaa dhacda in qofkii la keensaday uu tanaasulo doorashada ka hor oo musharixii weynaa kaliya ku soo haro, meesha kadibna cod gacan taag ah loogu codeeyo.
Musharaxinta qaabkan kuraasta ku helay waa fara badan yihiin, waxaase ugu waaweyn Cumar C/rashiid, Jen. C/llaahi Fartaag iyo Muuse Suudi.
Goobjooge.com