Tuesday, September 2, 2025

Laba Aqal ee Baarlamaanka oo loo qeybiyey Sharci Doorasho oo ka duwan kii ay wateen Madaxtooyada & Xukuumadda

Kulan ay maanta wadajir u yeesheen labada Aqal ee Baarlamanka oo ahaa shirkoodii saddexaaad ayaa lagu qeybiyey Sharciga Doorashada ee ay soo diyaariyeen Guddi uu sameeyay Guddoonka Baarlamaanka, kaasoo ka duwan sharcigii hore ee Golaha Wasiirada ansixiyeen, kana yimid Madaxtooyada Soomaaliya.

Sharcigan cusub ayaa ka bedelay kii Golaha Wasiirada iyo Madaxtooyada ee loo gudbiyey Baarlamaanka, waxaana isbedel ku sameeyay Guddiga baarlamaanka oo tegay dhammaan maamul Goboleedyada dalka, isla markaana la-tashiyo la sameeay xisbiyada siyaasadda iyo qeybaha Bulshada.

Kulanka wadajirka ee labada Aqal ee Baarlamanka wuxuu ku furmay 186 Mudane, iyadoo ajenduhu uu ahaa: Habraaca Ansixinta Dib u eegista Dastuurka Kumeelgaarka, kadibna waxaa la qeybiyey Xeerka Doorashada oo si weyn ay uga horjeedo Madaxtooyada Soomaaliya.

Sharciga maanta loo gudbiyey labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa ku saleysan nidaamka Doorashada ku dhisan Aqlabiyadda ah (Majoritarian System) kuna saleysan in kursi kastaba gaarkiis loo doorto (Single Member popularity “SMP”); waxayna meesha ka saareen Hannaanka Doorashada ee ku dhisan Nidaamka matelaadda isu dheelitiran ee liiska xiran oo Madaxtooyada iyo xukuumaddu wateen.

Guddoonka labada aqal ayaa u midoobay inay ka hortagaan sharciga Doorashada ee ay wadato Madaxtooyada, waxaana la xaqiijiyey in Madaxweyne Farmaajo aanu raali ka ahayn sida ay u socoto shaqada labada Aqal xilligan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON