Monday, June 23, 2025

Laba Ciidan oo dagaal ku dhex maray Duleedka magaalada Muqdisho iyo Wararkii ugu danbeeyay…

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in iska hor imaad culus uu duleedka Muqdisho ku dhex maray ciidamadaa asluubta iyo ciidamo akle oo ilaalo u ahaa shirkadda dhiseysa Jidka Muqdisho iyo Afgooye.

Rasaas xoog leh ayaa laga maqlay Ex. Koontarool Afgooye, halkaasoo ciidamada amniga ay fariisiin ku leeyihiin, waxaana wararkii ugu horeeyay sheegayaan in dagaalku u dhaxeeyo ciidamada dowladda iyo ciidamo kale oo ilaalo u ahaa shirkad gaara, halka warar kale sheegayaan in labada ciidan ay ka wada tirsan yihiin ciidamada dowladda.

Dadka degaanka ayaa sheegay in rasaasta dhacday ay ahayd mid xoog leh oo daqiiqado socotay, isla markaana uu gebi ahaanba istaagay isu socodkii jidka, waxaana la maqlayaa rasaas goos goos ah.

Ad

Laba qof oo shacab ah ayaa lasoo weriyey inay ku dhinteen iska hor imaadkaasi, iyadoo faahfaahinta dagaalka ay hadda uun soo baxeyso…

LA SOCO WIXII KUSOO KORDHA…

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON