Tuesday, July 15, 2025

Laba dhalinyaro Jaamiciyiin ahaa oo lagu dilay Magaalada Boosaaso

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegay in labo nin  oo dhalinyaro ahaa Caawa lagu dilay magaalada Boosaaso.

Koox hubeysan ayaa la sheegay inay falka dilka ah u geysteen labada dhalinyaro oo ku sugnaa Aagga Huurse-2 ee magaalada Boosaaso iyadoo markii ay dilka geysteen goobta ka baxsaday, waxaana goobta tegay ciidamada Booliska oo baaritaan ka bilaabay magaalada.

Magacyada labada nin ayaa lagu kala shegay C/risaaq Xasan Barre (Ceeriin) iyo C/kariin C/qaadir, waxayna ka mid ahaayee ardaydii ka qalin jebisey Jaamacada Bariga Afrika Boosaaso Gaar ahaan kuliyada maamulka iyo Maareynta Ganacsiga Dufcaddii 27-aad ee ka baxday June 2018.

Cabdirisaaq Ceeriin wuxuu hada labo Asbuuc Macallim ka ahaa Iskuulka Towfiiq ee aaga Raxma, Boosaaso, halka Cabdikariim uu ahaa shaqo suge.

Geerida dhalinyarada Jaamiciyiinta ahaa ayaa  naxdin weyn ka dhalisay magaalada Boosaaso, waxaan si weyn loogu hadal hayaa baraha bulshada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON