Laba ka mida wiilashii xogheyta u ahaa madaxda sare ee dalka ayaa ku soo baxay magacaabidda maamulka cusub ee Gobolka Banaadir, iyadoo loo magacaabay xilal sare.
Wareegtada Madaxweynaha Soomaaliya ee lagu magacaabay maamulka cusub ee G/Banaadir ayaa waxaa kasoo muuqday laba dhalinyarro ah oo ka tirsan Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.
Xogheynta Madaxweyne Farmaajo oo lagu magacaabo Maxamed C/llaahi Maxamed (Maxamed Tuulah) oo ka mida hab-mamauuska Madaxweynaha aan ka harin ayaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga iyo Siyaasadda, wuxuuna ka qeyb qaatay ololihii doorashada Madaxweyne Farmaajo.
Dhinaca kale Cumar C/risaaq Xuseen oo ahaa Xogheynta Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa isna loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, iyadoo loo eegay awood qeybsiga xilkaasi oo ay hore u heysay Zubeyda Mukhtaar oo markii ugu horeysay beeshani ay xilkan sare ku yeelatay G/banaadir.
Maxamed Tuulah iyo Cumar C/risaaq labadaba ka mid ahaa dhalinyarradii ololaha doorashada Madaxweyne Farmaajo kasoo qeyb qaatay. Dad badan ayaa aamisan in labada xil ee dhalinyarrada loo magacaabay ay kasoo bixi karaan.