Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in magaalada xalay lagu dilay Laba wiil oo kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen.
Dilka ayaa ka dahcay xeebta magaalada Boosaaso, waxaana halkaasi koox Bistoolado ku hubeysan ay rasaas ku fureen labada wiil. Dadka degaanka ayaa sheegay in dableydii dilkaasi geysatay ay baxsadeen, kadib markii ay falkaasi ku dhaqaaqeen.
Ciidamada Puntland ayaa howlgal baaritaan ah ka wada xaafadaha ku dhow dhow goobtii dilka ka dhacay ee Xeebta Magaalada Boosaaso, wuxuuna dilkanka mid noqonayaa falal xiriir ah oo ku soo kordhay magaalada Ganacsiga ee Puntland.
Shalay ayay ahayd markii Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo ka gadooday mushaar la’aan ay weerareen Xabsiga Magaalada Boosaaso, halkaasoo iska hor imaadCiidamada ilaalada xabsiga uu sababay geerida maxbuus iyo qasaare kale.