Sunday, July 13, 2025

Laba Xildhibaan oo ka badbaaday Qaraxii Muqdisho (Dhaawac soo gaaray xildhibaan & Askari ilaalo ahaa…)

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xoog leh oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Taallada Daljirka Dahsoon.

Qaraxa oo ahaa gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qaraxa oo is-miidaamin ah ayaa dhaliyey qasaare xoog leh, waxayan wararku sheegayaan inay ka badbaadeen laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaasoo kala ah Xildhibaan Maryan Cariif iyo xildhibaan C/kariin Shabeel, xildhibaan Shabeel ayaa dhaawac fudud kasoo gaaray qaraxa.

Mid ka mida Ilaalada xildhibaan Maryan Cariif ayaa qaraxa ku dhintay, iyadoo mid kale uu dhaawacmay, kasoo loo qaaday isbitaal, waxayna labada xildhibaan tageen guriga xildhibaan C/risaaq Cumar oo goobta ka dhow , sida uu ku sheegay farriin uu soo diray.

Wararkii hore

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON