Monday, July 14, 2025

Labada Aqal ee Baarlamaanka oo yeelanaya kulan aan hore loo arag [Madaxtooyada & Xukuumadda oo ka horjeeda]

Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ku dhawaaqay inay maanta yeelanayaan kulan wadajir ah oo aan hore loo arag, kaasoo looga doodayo Miisaaniyadda sanadka 2020-ka oo odoros ah.

Kulankan ayaa lagu shaaciyey war kasoo baxay Baarlamaanka, waxaana qoraalka lagu sheegay in labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay Arbacadda maanta yeelan doona kulan wadajir ah, iyadoo ajendaha Kulanka uu yahay Akhrinta 1aad ee Miisaaniyadda 2020.

Aqalka sare ayaa muddo dheer olole ugu jiray inuu qeyb ka noqdo ansixinta Miisaaniyadda Dowladda, taasoo ay ka hor yimaadeen xukuumadda iyo Madaxtooyada, waxaana la dhinac mariyey saddexdii miisaaniyadood ee 2018 iyo 2019, laakiin heshiis ay gaareen guddoonka labada Aqal ayaa lagu saxiixay heshiiska Aqalka sare lagu soo biirinayo ansixinta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku guuldarreystay inuu heshiisiiyo labada aqal ee baaralmaan, taasoo keenay inay labada guddoon iskood u heshiiyaan, lamana oga waxa xukuumaddu ka yeeli doonto kulanka labada aqal ee Berri oo aan la ogeyn kooramka uu ku furmi doono.

Qaar ka mida wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa hore sharci darro ugu tilmaamay inuu aqalka sare ku lug yeesho arrimaha miisaaniyadda, halka aqalka sare uu ansaxsaday xeerar u banneynaya arrintan.

Xisaabxirka miisaaniyaddii 2018 ayaa wel ku maqan xukuumadda Soomaaliya, waxaana bishan la ansixiyey miisaaniyadii 2017 iyadoo muran ka taagan yahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON