Guddiyada dib u eegista dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista dastuurka ayaa soo saaray qoraal ku saabsan halka ay mareyso howsha dib eegista dastuurka.
War saxaafadeed wadajir oo ay maanta soo saareen labadan Guddi ayay ku sheegeen aaney qabsoomin shaqo badan oo laga sugayey, taasoo ay dusha ka saareen dowladda oo aan taageerin Guddiyada iyo Gacmo badan oo aan dastuuri aheyn, oo faraha kula jira howlaha dib u eegista dastuurka.
War-saxaafadeedka waxaa saxafadda u akhriyey xoghayaha Guddiga Dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Xuseen Sheekh Maxamuud.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA