Sunday, July 13, 2025

Lafta-gareen oo sheegtay ‘Qodob’ uu maamulkiisa uga hor maray Doorashada Maamullada kale

Madaxweynaha maamulka K/Galbeed C/casiis Xasann Maxamed (Lafta-gareen) ayaa isku amaanay in doorashadii labada aqal ee ka dhacday maamulkiisa aanu jiirn xildhibaan kusoo baxay gacantaag.

isagoo ka hadlayey xaflad abaal marin ah oo uu u sameeyay Guddiga Doorashada K/Galbeed ayuu Lafta-gareen sheegay in K/Galbeed ay heysato 77 xildhibaan oo labada aqal ah, iyadoo tiradaasi ay tahay laba maamul oo la isku daray.

Wuxuu ku faanay inuu qabtay doorasho daah-furan oo cadaalad ah, isla markaana aanu jirin kursi gacantaag kusoo baxay maamulkiisa, wuxuuna uga digay xildhibaannada iyo senatoorada kasoo maamulka K/Galbeed in la kala qeybiyo oo dadaalkiisii la qasaariyo, sida uu yiri.

“Ma jiro kursi Koonfur Galbeed lagu doortay oo gacan loo taagay habraacii doorashada ee lagu heshiiyay hal qodob kama aanan badalin” ayuu ku dooday C/casiis Lafta-gareen.

Sida la ogyahay maamulka K/Galbeed ayaa dhammaan kuraasta u xiray xubno uu watay C/casiis Lafta-gareen, waana maamulka kaliya ee siyaasiyiinta ugu badan laga reebay doorashada, iyadoo qaarkoodna loo diiday inay tartamaan, qaar kalena laga celiyay inay tagaan magaalooyinka Doorashada ka dhaceysay ee Baydhaba iyo Baraawe.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON