Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa xalay magacaabay maamul cusub oo uu yeelanayo Gobolka Mudug, qeybta hoos tagta maamulkiisa, xaflad ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayaa lagu shaaciyay magacyada maamulka cusub.
Magacyada mas’uuliyiinta iyo xilalka loo kala magacaabay:-
- C/rashiid Xaashi Cartan (Gudoomiyaha Gobalka Mudug)
- Cabdi Xuseen Sheekh Axmed (Gudoomiye Ku xigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga ee gobolka Mudug)
- Axmed Maxamed Shire (Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee gobolka Mudug)
- Maxamed Ali Adan (Guddoomiye Ku xigeenka Arimaha Bulshada ee gobolka Mudug)
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiintaan la magacaabay in ay la yimaadaan shaqo dheeraad ah iyo horumar laga sameeyo gobalka Mudug.
Guuleed ayaa dhinaca kale ku amaanay gudoomiyahii hore ee gobalka Mudug Aways Cali Siciid inuu soo qabtay howlo badan islamarkaana usoo dhabar adeegay marxalado badan oo gobalkaasi uu soo maray.
Goobjooge.com