Guddiga Doorashada heer Goboleed ee maamulka Hirshabeelle ayaa maanta bilaabaya diyaar garowga doorashada xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Musharixiinta Aqalka sare ee maamulka Hirshabeelle ayaa wararku sheegayaan inay la diyaariyay iyadoo ay hore soo wada xuleen madaxweynaha maamulka cusub ee Cali C/llaahi Cosoble, madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waana maamulka kaliya ee arrintan oo kale ku dhacday.
Xubnaha ku jira liiska musharixiinta ee Goobjooge.com ay hordhac ahaan u heshay waxaa ka mida: Muuse Suudi Yalaxow, Maxamed Xuseen Raage, Jen. Dhegacaleen iyo xubno kale oo weli beelaha loo qoondeeyay ay isku heystaan.
Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in musharixiinta Aqalka sare ay ku qulqulayaan magaaladaasi si ay isu diiwaan geliyaan, waxaana la filayaa inuu dib u dhac ku yimaado shaacinta liisaska.
Goobjooge.com