Sunday, July 13, 2025

Lix Musharax oo isu diiwaan geliyay tartanka Gudoonka Golaha Shacabka (Akhriso)

Akhriso: Kursiga Guddoomiye ku xigeenka koowaad oo ay isu sharxeen Musharixiintii ugu badnaa

Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa si dardar leh ku wada diiwaan gelinta musharixiinta u tartamaya guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya.

Golaha Shacabka oo tartanka loo galayo xilalka guddoonkiisa uu adag yahay ayaa waxaa maalintii ugu horeysay shahadooyinka musharaxnimada qaatay musharixiin badan oo u taagan saddexda xil ee guddoomiyaha, guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare.

Kursiga ugu musharixiinta badan ayaa noqday Guddoomiye ku xigeenka koowaad oo Beesha Shanaad ay leedahay, kaasoo xiiso gaara leh Baarlamaankan, waxaana maalintii koowaad isu diiwaan geliyay saddex Musharax.

Guddomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in maalintii koowaad ee shaqada diiwaan galinta murashaxiinta u tartamaya xilalka guddoomiyaha iyo kuxigeenadda guddoonka Golaha Shacabka ay shahaado siiyeen lix musharax, iyadoo waqtigu ciriiri ku noqday musharxiin badan.

HOOS KA AKHRISO LIISKA MUSHARXIINTA

Xilka Guddoomiyaha Glaha shacabka

1- Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe

2- Xildhibaan C/laahi Aadan Axmed Black

Guddoomiye kuxigeenka koowaad

1- Maxamed Cumar (Caananuug)

2- Xildhibaan Sacdiya Xaaji Yaasiin Samatar

3- Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymooy

Guddoomiye ku xigeenka labaad

1- Xildhibaan C/llaahi Cumar Abshir(Abshiroow)

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay Musharixiin badan isu diiwaan geliyaan Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad oo la dooran doono aakhirka bishan April 2022.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON