Monday, July 14, 2025

FAAHFAAHIN: Lix Wiil oo isku Qoys ahaa oo lagu laayay Degaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho

Weerar koox dabley ah ku qaaday dad u socday tacsi ayaa lagu laayay lix wiil oo isku qoys kasoo wada jeeda.

Weerarkan ayaa maanta ka dhacay degaanka Siinka Dheer ee magaalada Muqdisho, halka lagu magacaabo Xayaat, waxaana la sheegay in kooxda weerarka ku qaaday wiilasha ay wateen Gaari yar, iyagoo si weyn u hubeysnaa.

Dableyda ayaa rasaas ku furtay gaariga ay wateen wiilasha oo kasoo wada jeeda Qoyska Xaaji Gaabow oo caan ka ah degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho, laguna yaqaan Daarta Xaaji Gaabow ee xaafadda Macmacaanka.

Wiilasha uu dhalay Xaaji Gaabow ee falkan lagu dilay waxaa ka mida: C/casiis, Maxamed-Deeq, iyo Xasan, waxaa kaloo ku dhintay wiil ay abti u ahaayeen oo lagu magacaabo Maxamed Yare iyo nin kale oo xaafadda laga yaqaanay laguna magacaabo Maxamed Shaafto.

Mid ka mida wiilasha oo la sheegay inuu ka baxsaday rasaasta ayay daba galeen dableyda oo ay isna dileen, wuxuuna weerarku ahaa mid bahalnimo ah, iyadoo aan la ogeyn sababta weerarka iyadoo dadkan ay yihiin ganacsato shacab ah.

Dadweyne fara badan ayaa isugu yimid guryaha reer Xaaji Gaabow ee xaafadda Macmacaanka degmada Dharkeynley iyadoo naxdin ay hareysay xaafaddaasi.

Wiilashan ayaa ka qeybgalayay aaska iyo tacsida haweeney Waalid ugu ahayd oo xalay geeriyootay.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON