Wednesday, June 25, 2025

Loolanka Kenya iyo Jabuuti ee Kursiga Golaha Amaanka oo weji cusub yeeshay & ururka Islaamka oo taageeray Jabuuti

Loolanka u dhaxeeya dalalka Jabuuti iyo Kenya ee kursiga Golaha Amniga Q/Midoobay ayaa weji cusub yeeshay, kadib markii dowladda Jabuuti ay sheegtay inay ka hareynin tartanka, inkastoo Midowga Afrika u codeeyay inay Kenya u metesho kursigaasi codeyn ka dhacday Addis ababa.

Ergeyga Dowladda Jabuuti u fadhiya Xarunta Q/Midoobay ee New York, ahna safiirka dalkiisa u qaabilsan dalalka Mareykanka iyo Canada Maxamed Siciid Ducaale ayaa caddeeyay mowqifka Jabuuti ee ah inay sii wado tartanka ay ugu jirto kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Amniga Q/Midoobay oo muddo 2 sano ah la heyn doono (2021 – 2022), wuxuuna intaas ku daray inuu u mahadcelinayo dhammaan dalalka xubnaha ka ah Q/Midoobay ee taageerada u muujiyey dowladiisa,

Kenya ayaa geli doonta tartan loo galayo kursiga oo 193 dal oo ka mida Q/Midoobay ay ku dooranayaan dalka buuxin lahaa Kursiga aan joogtada ahayn, waxayna Jabuuti mar kale u loolami doontaa kursigaasi, iyadoo war farxad leh uu kasoo baxay ururka iskaashiga islaamka oo taageeray Jabuuti, uguna baaqay dalaaka xubnaha ka ah oo gaaraya 57 dal inay Jabuuti ku taageeraan doorashada kursigaasi.

Dalalka Yurub iyo latin America ayaa go’aamin doona kursigan, iyadoo Yurub iyo inta badan Afrika ay u janjeeraan dalka Kenya, halka Jabuuti ay taageero ka fileyso Shiinaha, Mareykanka, dalalka Carabta iyo Muslimka. Somalia ayaa si weyn u dooneysa in Jabuuti ay kursigaasi ku guuleysato si aysan Kenya saameyn ugu yeelan Golaha Amniga oo laga yaabo inay geyso qaraar ku saabsan Dacwadda xuduudja Badda ee ay Somalia kula jirto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON