Waxaa magaalada Kismaayo ku sii jeeda mas’uuliyiin iyo madax kala duwan oo doonaya ka qeyb galka caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland ee doorashadiisa ay sharci darrada ka dhigtay Dowladda Somalia.
Siyaasiyiin iyo xildhibaanno ku sugan Muqdisho ayaa dadaal ugu jira inay u dhoofaan magaalada Kismaayo, iyadoo ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore ee dalka, waxaana sidoo kale qorsheystay inuu Kismaayo tago madaxweynaha Puntland, iyadoo aan la ogeyn sida ay ku gaari doonaan magaaladaasi iyadoo dowladda Federaalka aysan siyaasiyiinta u ogoleyn inay tagaan halkaasi.
Abaabulo kala duwan ayaa ka socda magaalooyinka Muqdisho, Boosaaso iyoGarowe oo lagu doonayo in magaalada Kismaayo looga qeyb galo caleemo saarka Axmed Madoobe oo warar kala duwan kasoo baxayaan in la qaban doono maalinta Arbacadda, iyadoo maamulka Jubbaland aanu is rasmi ah u shaacin xilliga, taasoo qeyb ah qorshe qarsoon oo la doonayo in xafladasi lagu qabo markii madax la sugayo ay u suuragasho inay tagaan magaalada Kismaayo.
Dowladda Somalia ayaa la sheegay inay olole ugu jirto sidii ay u dhiciseyn lahayd xafladaasi oo marar badan dib u dhacday, waxaana shalay laga war helay diyaarad si qarsoodi ah siyaasiyiin ay ka mid yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo C/kariin Guuleed uga dejisay magaalada Kismaayo.