Madaxweynaha maamulka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee maamullada Soomaalida oo la xiiriray madaxweynaha cusub ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.
Axmed Madoobe ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), waxaana la sheegay inuu telefoon kula xiriiray madaxweynaha cusub ee xilka shalay uun loo magacaabay.
Axmed Maxamed Islaam oo dhowaan u tegay Addis ababa inuu dowladda Itoobiya kala hadlo arrimaha madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Iley, basle ay dowladda Itoobiya ka hor istaagtay ayaa khadka Telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Cusub ee DDSI Mudane Mustafe Muxumed Cumar.
War kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in Axmed Madoobe ugu hambalyeeyay Magacaabista Xisbiga deegaanka ka arimiya ay u magacaabeen Madaxweynaha deegaanka isagoo u rajeeyay in uu ilahay xilka iyo Masuuliyada Cusub ee miisaanka leh uu la garab galo.