Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka horjeestay go’aankii dowladda Soomaliya ku ceyrisay Wakiilka Q/Midoobay ee Somalia Nicholas Haysom.
Qoraal kasoo baxay Golaha oo hadda ay ka mid yihiin maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ayaa si buuxda loogu taageeray qoraalkii uu wakiilka Q/Midoobay u diray dowladda Somalia, oo ku saabsanaa mas’uuliyadda wixii ka dhacay magaalada Baydhaba.
Hoos ka akhriso Qoraalka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyda
“Goluhu, wuxuu soo dhoweynayaa, si buuxdana u taageerayaa qoraalkii Beesha Caalamka (30 December 2018), gaar ahaan Xafiiska Ergeyga Xoghayaha Qaramada Midoobay (SRSG), ee ahaa xaqiiqa raadinta falkii ka dhacay Baydhaba iyo ciddii Masuuliyadeeda lahayd. Waxaa nasiib darro ah, in qoraalkii xaqiiqa raadinta ahayd looga jawaabay, si Masuuliyad darro ah, oo aad uga fog Danta Dadka Soomaaliyeed.
Goluhu markii uu arkay marxalada Amni iyo Siyaasadeed ee uu marayo dalku ayuu si buuxda uga soo horjeestay war saxaafadeedkii ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliya 01 Jan, 2019 ee Dalka looga eryey Ergayga Qaramada Midoobay Mudane Nicholas Haysom, waxuuna Golaha Iskaashigu ku tilmaamayaa go’aan lagu fududaaday. Ugu danbayn Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadu wuxuu ka codsanayaan Beesha Caalamka in aan la joojin taagyeerada ay u fidiyaan shacabka Soomaliyeed oo ku jira marxalado adag. Sidoo kale, wuxuu Goluhu xusuusinaya Guddiga Arrimaha Dibedda ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya in ay arrintan si taxdar leh wax uga qabtaan”.
Warar Xul ah