Xildhibaannada Mucaaradka ee ‘Badbaado Qaran’ oo ka hor yimid Eryida Wakiilka Q/Midoobay [Akhriso]

Xildhibaannada mucaaradka ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ee la baxay Kutlada ‘Badbaado Qaran’ ayaa ka hor yimid go’aankii dowladda Somalia shaqada uga joojisay, kana dhigtay qof aan laga rabin dalka wakiilkii Q/Midoobay ee Somalia Nicholas Haysom.

Qoraal kasoo baxay kutlada ayaa marka hore lagu cambaareeyay weerarkii madaafiicda ee lagu qaaday xarunta UN-ka ee xerada Xalane, waxayna xildhibaannada ay tallaabada dowladda Somalia ee wakiilka Q/Midoobay ku tilmaameen mid qar-iska tuurnimo ah oo lagu doonayo in lagu qariyo su’aalaha sharciga ah ee ka taagan wixii ka dhacay magaalada Baydhaba.

Xildhibaannada la baxay ‘Badbaado Qaran’ ayaa qoraalkooda ku sheegay inay wax badan ka digeen hab- dhaqanka dowladda hadda xilka heysa ee ku dhisan adeegsiga awoodda iyo sharci darrada oo lagu maquuniyo shacabka iyo siyaasiyiinta.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

119,281FansLike
745FollowersFollow
2,865FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!