Golaha Iskaashiga ee Dowlad Goboleedyada dalka ayaa qaadacay ka qeybgalka shirka Amniga Qaran ee uu dhowaan ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isagoo u yeeray madaxdii ku shirtay magaalada Kismaayo.
Wasiirka Qorsheynta Jubaland Aadan Aw-Xirsi ayaa shaaciyey in dhamaan Xubnaha Dowlad Goboleedyada aysan ka qeybgeli doonin shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo, wuxuuna ku edeeyay inaysan sax ahayn qaabka loo maray oo ah in Xamar looga yeero, sidaasina ay ku tagaan.
Ma jiro war kasoo baxay maamullada kale ee afarta ah, kuwasoo madaxweynayaashooda dib ugu laabteen xarumaha maamul Goboleedyada, laakiin Jubbalanad ayaa si weyn olole ugu jirta inu sii xoogeysto khilaafka maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Shir ugu yeeray Golaha Amniga inuu isugu yimaado Muqdisho 17 -18-ka Bishan September, kasoo ay xubno ka yihiin madaxda maamul Goboleedyada.