Qarax miino ayaa lala beegsaday gaari uu la socday Maamulihii iskuulka degmada Deyniile, kaasoo ay Alshabaab sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu khaarijiyay.
Allaha u naxariistee Daahir Xasan Tooxow (Daahir Digdigle) ayaa Gaari uu la socday lagu qarxiyey xilli uu marayay jidka Xaafada Bangala ee degmada Deyniile, wuxuuna u geeriyooday Qaraxa oo si xun u dhaawacay.
Marxuun Daahir Xasann ayaa ka mid ahaa bahda waxbarashada Gobolka Banaadir, waxaana uu sidoo kale odayaasha dhaqanka Beelaha Degmada Deyniile.
Warr ay Alshabaab soo saartay ayey ku sheegatay mas’uuliyadda dilka iyo Qaraxa lagu khaarijiyey Mas’uulka, waxayna Bayaan ka soo baxay ku sheegeen Qaraxa Miinada lagu dilay ergayg ka tirsanaa Odayaashii Xildhibaannada Baarlamaanka cusub kasoo xulay maamulka Galmudug.
