Monday, July 14, 2025

Maamulka Axmed Madoobe oo abaabulay banaanbax looga horjeedo Madaxweyne Farmaajo [Sawirro]

Maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland ayaa maanta abaabulay bannaanbax looga horjeedo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo looga dalbanayo inuu faragelinta ka joojiyo maamulka Jubbaland.

Bannaanbaxa ayaa ka dhacay degaanka Goobweyn oo 13-KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo, iyadoo lagu sheegay in looga soo horjeedo faragelinta siyaasadeed ee ay Dowladda Federaalku ku hayso Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Dadweynaha bannanbax ka qeyb galay oo u badnaa arday iyo haween la soo abaabulay ayaa ka dalbaday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu ka shaqeeyo caddaaladda shacabka Soomaaliyeed isla markaana uu wax ka qabto faragelinta Dowladdiisu ku hayso Jubbaland.

Gudoomiyaha deeganka Goobweyn Cumar C/llaahi Maxamed oo ka hadlaayey banaanbaxa ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanka ay aad uga soo horjeedaan habdhaqanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Image may contain: 2 people, people standing and outdoor

Image may contain: one or more people, people standing, sky and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, outdoor and natureImage may contain: one or more people, people walking, people standing, sky, outdoor and nature

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON