Tuesday, July 15, 2025

Maamulka Jubba oo isku khilaafsan inuu Barre Hiiraale tago Kismaayo & Xiisad ka taagan Magaalada

Xaalada magaalada Kismaayo  ayaa la sheegaya inay weli ka jirto xiisad beeleed oo ka dhex taagan Beesha uu ka soo jeedo Axmed Madoobe markii  shaqaaqooyin salka ku haya sarkaal la dilay ay hareeyeen magaalada. Dhaqdhaqaaqii dadweynaha iyo Ganacsigii magaalada ayaa las heegay inay gaabis yihiin.

Dhinaca kale waxaa magaalada Kismaayo ka jira qorshe lagu doonayo inuu Magaaladaasi ku tago Barre Hiiraale si uu uga qeyb qaato shir muddo badan dib u dhacay oo lagu heshiisiinayo beelaha Mareexaan iyo Ogaadeen.

Saraakiisha maamulka Axmed Madoobe ayaa isku khilaafay qaabka uu Barre Hiiraale ku joogayo magaalada, waxayna qaarkood soo jeediyeen in Barre aanu la hadli karin saxaafadda, kana bixi karin magaalada, halka qaar kale ay ku doodeen in xoriyad la siiyo.

Welwelka beesha magaalada Kismaayo gacanta ku heysa iyo maamulka Axmed Madoobe ka qabaan Barre ayaa ku saabsan inuu saameyn ku yeesho saxaafadda iyo inuu magaalada Kismaayo ka baxo oo ku biiro ciidamada taageersan ee ku sugan Goobweyn, halkaasoo hore si dhib leh ay IGAD uga qaaday.

Waxaa kaloo soo kordhay muran ku saabsan shirka dib u heshiisiinta ee lagu wado inuu Kismaayo ka dhaco oo siyaasiyiinta Beesha Mareexaan ee ka horjeeda maamulka Axmed Madobe ay ku sheegeen inuu yahay mid lagu heshiisiinayo beelaha Mareexaan iyo Kuumade ee aanay jirin khilaaf dhex yaala Beesha Sade.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON