Guddoomiyaha Gobolka Banaadir joojiyey howlo Dhul-simid iyo Kaawo qodis ah ee ka socday dhul u dhow agagaarka Kawaan Bari, degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho.
Wareegtada lagu joojiyey howshii ka socotay dhulkan ayaa lagu sheegay inaan loo dulqaadan karin in sifo aan sharciga waafaqsanayn lagu dhiso dhulalka danta guud iyo kuwa dadweynaha, iyadoo aan faahfaahin badan laga bixin cidda dhulkaasi la siiyey ee dhismaha ka waday iyo sababta rasmiga ah ee loo joojiyey.
“Maamulka Gobolka Banaadir waxuu masuul ka yahay ilaalinta iyo hubinta sax ahaanshaha sharciga iyo in wax walba loo maro habraac saxda ah kaasoo dhabaha u xaaraya in qof walba uu ku helo caddaalad waxa uu xaqa u leeyahay..” ayaa ka mid ahaa ereyadii u qornaa waregtada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa u digay ganacsatada iyo shaqsiyaadka ku howllan burburinta dhagaxaanta celiya Biyaha Badda oo ka dhalan karaan khataro, maadaama la burburiyey dhagaxyadii iyo ciiddii celinaysay biyaha Badda oo keeni karta in mustaqbalka fog iyo midka dhow ay baddu ku fatahdo magaalada.