Wednesday, June 25, 2025

Maamulka G/Banaadir oo burburiyey dhismihii Shirkadda ECCO ku wareejiyay Barxadda Piazza Libera [Sawirro]

Maamulka G/Banaadir ayaa burburin kula dhaqaaqay maanta Derbi weyn oo shirkadda Nadaafadda Gobolka Banadir ee ECO ay ku wareejisay Barxadda Piazza Libera,degmada Xamarajajab ee Gobolka Banadir.

Dhismahan oo ku yaalla goob caan ah agagaarka Ceelgaab ayaa ahaa mid uu muran weyn ka dhashay xilligii ugu danbeeyay ee uu xilka hayey guddoomiyihii hore ee G/Banadir Taabit Cabdi Maxamed, markii la siiyey shirkadda nadaafada Gobolka Banaadir ee ECO.

Maamulka cusub ee Gobolka Banadir ayaa joojiyey dhismaha barxadda, waxaana maanta uu halkaasi geeyay cagafyo burburin ku sameeyay derbi ay goobtaasi ku wareejisay shirakdda ECO, inkastoo dadka degaanka ay ka cabsi qabaan inay mar kale isu bedesho goob qashin qub ah.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON