Monday, July 14, 2025

Maamulka G/Banaadir oo Nin Somali-Yemani ah ku wareejiyey Guri 30 sano laga heystay. (Sawirro)

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dib ugu wareejiyey nin Somali-Yemani ah Guri muddo 30 sano ah laga heystay, kadib markii dadkii deganaa ay ogolaadeen inay ka baxaan.

Maxamed Shariif Cumar oo ah muwaadin Soomaaliyeed, kana soo laabtay dalka Yeman ayaa dib u helay Gurigiisa oo muddo 30 sano si sharci darro ah looga heystay, kaasoo ku yaalla degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, waxaana furaha guriga ku wareejiyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish).

Guriga ayuu sheegay Guddoomiyaha G/Banaadir in dadkii deganaa ay ogolaadeen inay ka baxaan oo ay ku wareejiyaan qofkii lahaa, si nabadgelyo ahna ay kusoo dhammatay inuu Guriga dib ugu laabto gacanta muwaadinkii lahaa.

Image may contain: 1 person, standing and outdoor
Image may contain: 2 people, people standing
Image may contain: one or more people, people standing and outdoor
Image may contain: 5 people, people standing

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON