Tuesday, July 1, 2025

Maamulka G/Banaadir oo qabanqaabiyey bannaanbaxyo looga horjeedo Mooshinka Madaxweynaha

Bannaanbaxyo looga horjeedo mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka socda xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo uu soo qabanqaabiyey maamulka G/Banaadir.

Bannaanbaxyaasha ayaa lagu arkay qeybo ka mida magaalada, iyagoo qaarkood isugu tegay taalladda Daljirka dahsoon, waxayna socod ku mareen wadooyinka qaar sida Jidka Maka Almukrama iyo wadooyin kale.

Dadka bannaabaxaya ayaa watay boorar ay ku qoran  yihiin ‘Mooshin Dooni meyno’ iyagoo ku dhawaaqayey ereyo ay ku cambaareynayaan xildhibaannada mooshinka keenay, waxaana bannaanbaxayaasha oo u qaarkood  soo geliyay baraha bulshada mas’uuliyiinta maamulka G/Banaadir.

Wararka aya sheegaya in guddoomiyeyaasha degmooyinka G/banaadir lagu amray inay abaabulaan bannaanbaxyadasi oo qeyb ka ah jawaabta ay taageerayaasha madaxweynaha ka bixiyeen mooshinka laga keenay madaxweynaha.

Kadib mooshinka waxaa baraha bulshada hareeyay olole laba geesood ah oo midkood lagu taageerayo mooshinka, halka midka kale looga horjeedo, waxaana la arkayey lacago badan oo Facebook loo adeegsanayo si iidheh loogu sameeyo ololeyaasha iska horjeeda.

Image may contain: one or more people and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON