Saturday, July 19, 2025

Maamulka G/Banaadir oo Shaqo la’aan dhigay Haween Ganacsato Danyar ahaa (Sawirro)

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay howl burburin ah ka fuliyey Goob ay ku Ganacsan jireen dad rayid ah oo ku taalla hareeraha laamiga Maka-Almukarama ee u dhow Laami-yaraha Zoobe.

Waxaa howlgalkan lagu burburiyey Miisas ay Haween ganacsato Danyar ah oo hilibka ku iibin jiray halkaasi, waxaana iyagoo maqan laga qaaday miisaskoodii, qaarkoodna la burburiyey, iyadoo ay hoggaaminayeen howlgalka guddoomiye ku xigeenada maamulka Gobolka Banaadir.

Arrintan ayaa sabab looga dhigay olole nadaafadeed oo laga fuliyey magaalada Muqdisho munaasabadda Ciidul fitriga awgeed, iyadoo dad badan su’aal ka keeneen sida ay ku dhacday in olole nadaafadeed lagu waxyeelo ganacsato danyar ahaa.

Inta badan wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saameyn ku yeeshay Roobab dhowaan ka da’ay oo keenay dhooqo iyo carro badan inay xirto wadooyinka, iyadoo maamulka G/Banaadir aanu wax badan ka qaban.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON