Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Maxamud Aadan Cusmaan (Mesegowaay) ayaa sheegay in ay maqleen dagaalada ka dhacay xalay ilaa saakay magaalada Dhuusa-marreeb, laakiin aysan qeyb ka ahayn dagaaladaasi.
“ Waxaan maqleynay eedeynta, waxaan leenahay waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, sarkaal ciidamo gooni ah wata ayaa naloo sheegay in dagaalka uu qaaday balse anaga waxba kama ogin, mana jirto sabab aan u inkirno haddaan qayb ka nahay, maamulkeenuna diyaar uma ahan in Dhuusamarreb ay dagaal ku aado, waxaan ku aadeynaa wax ka bedelan” ayuu yiri Mudane Masagawaay.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Dhuusamarreeb ay tahay caasimadda maamulka Galmudug, balse aysan ka mid ahayn qorshahooda inay dagaal kula waregaan, waxa ay rabaana ay tahay wadahadal iyo xal nabadeed.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug wuxuu ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamay magaalada Dhuusamarreeb inay dagaalada joojiyaan oo ay wadahadal ku bedelaan.
Hore ayaa loo sheegay in ciidamo ka tirsan Galmudug iyo ciidamada xoogga ee 21aad ay qeyb ka ahaayeen dagaalka xalay iyo saaka ka socday magaaladaasi oo markii dambe laga saaray ciidamadii weerarka ahaa.
Goobjooge.com