Maamulka Galmudug ayaa dowladda Mareykanka ka dalbaday magdhow kadib markii diyaarado dagaal oo Mareykanku leeyahay ay laayeen askar maamulkaasi ka tirsan.
Madaxweyne ku xigeeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay inay dalbanayaan magdhow iyo jawaab cad oo uu Maraykanku ka bixiyo falkii uu ku laayay askartii iyo shacabkii Galmudug.
Wuxuu intaas ku daray in Mareykanka ay ka wadahadleen arrintan, isagoo eedeyn u jeediyay Puntland oo uu ku eedeeyay in Mareykanka ku hogaamisay khalad weyn.
DHAGEYSO WAREYSI UU SIIYAY VOA-DA
Goobjooge.com