Tuesday, July 15, 2025

Maamulka Galmudug oo Puntland ku wareejisay Gaadiid iyo koox burcad ah [Sawirro]

Maamulka Galmudug ayaa Puntland ku wareejiyay  laba nin oo dhalinyaro ah oo la sheegay inay gaadiidka ka dhici jireen deegaanada Puntland, kuna  iibin jireen deegaanada Galmudug.

Taliyaha Booliska Gobolka Mudug ee Puntland Cusmaan Xasan Cuuke ayaa sheegay in Puntland ka mahadcelineyso sida Galmudug ugu soo gacan galisay dhalinyarada iyo gaadiidkii ay dhaceen.

Raggan ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen falal amaandarro ah oo ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo, waxayna ciidamada Galmudug ay ka qabteen Kontaroolka Koonfureed ee Magalada Gaalkacyo.

Taliye xigeenka Ciidamada Boolska Galmudug Col-Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb ayaa sheegaya in eedeysanayaasha la maxakmadeyn doono, iyagoo iska kaashan jiray falalka amaa darro ee Gaalkayo.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON