Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay inay Berri oo ah Sabti 23-ka May 2020 ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Shawaal, ayna tahay Ciid.
Agaasimaha waaxda Diinta iyo Awqaafta ee wasaaradda Caddaaladda, Garsoorka iyo Arrimaha diinta Jubbaland Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa ku dhawaaqay inay berri tahay ciid, iyadoo laga arkay degmada Afmadow, degaanada Qooqaani, Taabto, Filfilaah iyo Waraha Dhoobley, waxaa kaloo laga arkay Degaanka Gamboole iyo Ufurow iyadoo la dhaariyey dadkii sheegay inay arkeen qaarkood.
Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in maalinta Berri ay tahay Ciid, iyadoo ay go’aansadeen in la arkay bishii Shawaal oo ay sugnaatay, waxayna Maamulka Jubaland ay arrintan kala mid noqdeen Alshabaab oo caawa shaacisay inay Berri tahay Ciid.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay Berri tahay Ramadaan oo la dhammeystirayo 30-ka Ramadaan, kadib markii la waayey bishii Soonfur, waxaana dunida islaamka oo dhan ay Berri u tahay Soon.