Dagaalkii magaalada Baraawe ku dhexmaray ciidamada Dowladda Federaalka iyo Daraawiishta maamulka K/Galbeed ayaa dhaliyay xaalad siyaasadeed oo cakiran, kadib markii maamulka ay war kasoo saareen Maamulka K/Galbeed iyo Xildhibaannada Federaalka ee kasoo jeeda K/Galbeed.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa cambaareeyay dagaalkii ka dhacay Magaalada Baraawe, wuxuuna ku eedeeyay ciidamada dowladda ee ku sugan Baraawe oo ay sheegtay inay weerar ku qaadeen Madaxtooyada K/Galbeed.
Shir jaraa’id oo ay magaalada Baydhaba ku qabteen wasiiro ka tirsan maamulka K/Galbeed ayey ku sheegeen ciidamada milateriga ee ku sugan Baraawe ay mas’uul ka yihiin dagaalka ka dhacay magaalada, ayna weerareen Xarunta Madaxtooyada K/Galbeed, taasoo la mida iyadoo weerarray Madaxweynaha KGalbeed.
Afhayeenka Madaxtooyada K/Galbeed ayaa sheegay in ciidamada Baraawe ku sugan ay qabsadeen Garoonka Baraawe, ayna diideen in dhaawacyadii ciidamada K/Galbeed in la qaado, wuxuuna ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay arrintaas wax ka qabtaan, Maxkamadaha ciidamadana ay soo dhex gasho.
ATMIS ayay ku eedeeyeen in ciidamo K/Galbeed ka tirsan oo dhaawac ah ay ka qaateen, kadibna la dhaawacii la dhammeystiray, taasoo ah arrin aan hore loo arkin oo ay ku cambaareeyeen ciidamada ATMIS.
Dhinaca kale qaar ka mida xildhibaannada labada Gole ee kasoo jeeda degaanada K/Galbeed ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho waxay maleeshiyo beeleed ku tilmaameen ciidamada dowladda ee Baraawe ku sugan.
Xildhibaannadan ayaa mas’uuliyadda wixii ka dhacay magaalada Baraawe dusha u saaray Taliyaha Ciidanka dowladda Soomaaliya ee Degmadda Baraawe G/Sare Cabdiraxman Cilmi Jimcaale, waxayna ku eedeeyeen inuu kasoo horjeedo maamulka K/Galbeed.
Xildhibannada ayaa sidoo kale dowladda federaalka ugu baaqay inay maleeshiyada Baraawe ku sugan, sida ay hadalka u dhigeen kasoo qaadaan halkaasi, iyagoo Ciidamada ATMIS ku eedeeyay inay Garoonka Baraawe ku wareejiyeen ciidamadaasi.
Xaaladda Baraawe ayaa maanta degan, iyadoo ay weli is hor fadhiyaan labada ciidan, waxaana Garoonka Diyaaradaha la wareegay ciidamada Milateriga Dowladda Federaalka.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamo gurmad oo ka socda Milateriga Soomaaliya gaareen magaalada Baraawe, iyadoo halkaasi laga qaaday dhaawacyada ciidamada, waxaana Garoonka loo diiday inay ka degaan diyaaradaha maamulka K/Galbeed.