Maamulka Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ka mamnuucay in lagu qabto shirar aan ogolaansho looga heysan maamulkaasi, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur Yare.
Guddoomiyaha ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo dhammaan shirarka aan ogolaanshaha ka haysan maamulkiisa ee lagu qabanayo gobolka Mudug, wuxuuna faray mas’uuliyiinta degmooyinka gobolka Mudug inay joojiyaan wixii shirar iyo kulamo ah ee lagu qabanayo degaanadooda.
Go’aankan ayaa lagu sababeeyay sugidda nabadgelyada gboolka, iyo fulinta sharciga, waxayna arrintan ka danbeysay kadib booqashadii Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ku tegay Waqooyiga Gaalkacyo, iyo dhaqdhaqaaqyo lagu taageerayo dowladda Federaalka oo ay sameeyeen dhalinyarrada iyo qaar ka mida odayaasha Waqooyiga Gaalkacyo
