War kasoo baxay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa goor dhoweyd xilkii looga qaaday Maareeyihii Hore Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure.
Sida ay baahisay Wakaaladd Wararka SONNA Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa xilka Maareeyahana Maareeyaha Cusub ee Golaha Martida iyo Wacyi galinta Qaranka u magacaabay Maxamed Abuukar Axmed Ma’da oo ka mid ahaa weriyeyaasha warbaahinta dowladda.
Arrintan ayaa kusoo beegantay markii Idaacadda Kulmiye ee xarunteedu tahay magaalada Muqdisho oo ah idaacad uu leeyaay Maareeyihii Hore Mudane Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure ay baahisay war ku saabsan in Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu aqbalay in la bedelo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, taasoo madaxtooyada Soomaaliya ay beenisay.
Abwaan Guure ayaa hore isku hayey laba xil oo aan is-qaban karin, taasoo ka mida khaladaadka Xukuumadaha Soomaaliya iyo danaha iska hor imaanaya keenaan. Abwaanka ayaa hadda ku sugan dalka Turkiga, waxaana xil ka qaadistiisa ay ahayd tallaabo degdeg ah oo aan hore loo qorsheyn.