Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay maareeyihii hore ee Dekada Kismaayo, Cawil Cali Barre (Cawil Buluq).
Marxuum Cawil Buluq ayaa la sheegay inay haleeshay rasaas ay is weydaarsadeen ciidamo ka wada tirsan askarta maamulka Jubbaland, waxaana sidoo kale is-rasaaseyntaasi ku dhaawacmay laba qof oo kale.
Dilkan ayaan faahfaahin badan laga bixin, ayaa war kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland lagu sheegay inuu ku dhintay rasaas ka dhacday Bar Koontarool oo u dhow Gurigiisa, ayna baaritaan ku hayaan hay’adaha Amniga.
waxaana tacsi u diray mas’uuliyiinta Gobolka Gedo oo marxuumka uu kasoo jeedo, iyadoo magaalada Kismaayo hore loogu dilay mas’uuliyiin iyo ganacsato fara badan.

