Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa shaaciyey war ku saabsan Doorashada Soomaaliya ee la isku mari la’ yahay, kadib markii uu safiirka dalkaasi kulan khadka Internet-ka kula yeeshay Afar ka mida musharixiinta xilka Madaxweynaha.
Warka ka soo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay inaan marnaba aan la aqbali doonin in ay dalka ka dhacdo Doorasho hal dhninac ah ama Doorashooyin is barbar socda, isla markaana aan la aqbali doonin colaad iyo qalalaase.
Qoraalka kooban oo safaaradda Mareykanka kasoo baxay ayaa lagu yiri: “Waxaan C/kariin Guuleed, Xasan Cali Keyre, C/Naasir Cabdulle iyo Shariif Xasan ka wadahadalnay sida degdeg ah ee loogu baahan yahay in la gaaro heshiis si waqtigeeda loogu qabto doorasho xalaal ah. Ma jirto Doorasho dhinac wat, ma jiri karo hanaan doorasho oo is barbar socda.. mana jirto qalalaase…”
Warkan ayaa imaanaya iyadoo is mari waa uu ka taagan yahay fulintii heshiiska Doorashada, iyadoo uu fashilmay qorshe ay wadatay dowlada Federaalka oo ahaa in Doorashada ay ka bilaabto saddex maamul Goboleed.
