Xildhibaanadii ugu danbeeyay ee Golaha Shacabka ayaa maanta lagu doortay magaalada Muqdisho iyadoo ay soo baxeen saddex xildhibaan oo ka soo jeeda Gobollada Somaliland.
Xildhibaanada la dooray ayaa ah kuwo hore uga mid ahaa Baarlamaankii hore oo dib u soo laabtay, waxayna magacyadooda kala yihiin:
1= Maxamed Cali Xagaa oo wasiir ku xigeen ka ahaa dowladda federaalka, wuxuu helay 50 cod, kana adkaaday musharaxii Maxamed Idiris Kheyre oo tartaka la galay.
2= Seynab Maxamed Caamir oo tan iyo baarlamaankii Carte ka mid ahayd, waxay heshay 48 cod.
3= iyo Maxamed Cabdullaahi Kaamil ayaa helay dhammaan codadkii ergada ee 51 cod.
Xildhibaanada cusub ayaa gabagabo u ah Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo iminka ay ka harsan yihiin 1 xubin oo Somaliland ka harsan iyo 5 xubnood oo qaabka dib loogu dooranayo ay isku heystaan Madaxda maamul goboleedyada dalka iyo Beesha Caalamka.
Goobjooge.com