Wednesday, July 2, 2025

KASHIFAAD: Maxaa keenay in Ololihii Sheekh Shariif ee Doorashada isu bedelo Aflagaado..? -AKHRI WARIXIN-

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed Sheekh Maxamuud Sheekh Muuse Cigalle wuxuu siyaasadda ka soo galay dhinaca diinta, isagoo madax u ahaa maxkamadihii islaamiga ee Koonfurta Soomaaliya ka curtay sanadkii 2006.

Shariifka waxaa lagu bartay nin ehlu diin ah, isla markaana kasbaday taageero iyo qadarin kadib markii uu muujiyay deganaan, dhowrsanaan iyo Soomaalinimo, waxayna ahayd tii keentay inuu noqdo ninka ugu shacbiyadda badan hogaamiyeyaashii maxkamadaha islaamiga.

Kala jabtii maxkamadaha, tegistii Asmara, Erteriya iyo heshiis Jabuuti waxay keeneen inuu Shariif Axmed madaxweyne ka noqdo dowladii ugu balaarneyd oo dib u heshiisiin ku timid, laakiin dowladaasi waxay ka socon weyday kooxdii uu Shariifka hogaamin jiray ee maxkmadaha oo dhashay Alshabaab, kadibna waxaa qarxay dagaal dhiig badan ku daatay Soomaaliya oo dhan ku baahay.

Shariifka mudadii uu xilka hayay waxaa lagu bartay hogaan habacan, go’aan liita iyo guddoon jilicsan, waxaana lagu tilmaami jiray inay awoodda gacanta ugu jirto saaxiibkii Shariif  Xasan Sheekh Aadan, aakhirkiina wuxuu ku danbeeyay in doorashadii 2012 looga adkaado oo dhammaan musharixiintii xilka isu taagay ay u midoobaan si waxqabad xumadiisii dalka looga badbaadiyo.

Maanta 4 sano kadib Shariifku maaha Shariifkii la yaqaanay wuxuuna mar kale u ordayaa inuu xilka ku soo laabto hal-heyskiisu wuxuu noqday KURSI NINKIISAA LEH… marka la eego hadaladdiosii ugu dambeeyay ee uu ku sheegay inuu isaga noqon doono madaxweynaha soo socda 100% uu hubo. Laga yaabee in xaaladda maanta taalla ay saamaxday inay rajo kale soo gasho, laakiin isbedel macnihiisu ma noqon karo dib loo noqdo.

Dad badan ayaa is weydiiyay waxa Sheekhii Shariifka ahaa keenay inuu ku cod noqdo walaalkii Salaad Cali Jeelle oo doorashadii 2012 isagoo Sheekh Shariif ku xumeynaya yiri: LACAGTU WAA QAADASHO CODKUNA WAA ANIGA….!!! markaasoo Sheekh Shariif ahaa ninkii lacagta qeybinayay.

Imaaraadka Carabta oo hore u balanqaaday inuu bixiyo lacagta lag dooranayo Sheekh Shariif ayaa hadda la xaqiijiyay inay ka baxeen balantoodii kadib markii lacag ay hore u siiyeen madaxweynayaasha maamul goboleedyada si xun loo isticmaalay oo qaarkood ay hub ku iibsadeen, qaar kalena xisaab gaar ah ku shubteen.

Sheekh Shariif waxaa hadda heysata dhaqaale darro, taasoo loo aaneynayo inay keentay qeylo dhaanta aan xadka lahayn ee ololihiisa doorashada u bedeshay aflagaado aan looga baran iyo shaqsi ceebeyn. Waxaa ka muuqata Sheekha inay ka dhamaadeen xikmadihii badnaa iyo dulqaadkii isagoo ku hiloobay KURSIGII VILLA SOMALIA ee sibiqda ku dhaafay.

Faaqidaadda Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON