Friday, June 27, 2025

Macalin Maxamuud oo xaaladu ku xun tahay & Ciidamada Dowladda oo xoojiyey gacan ku heynta Dhuusamareeb

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in hoggaamiyaha Ahlu Suna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ay soo food saartay xaalad adag kadib markii dowladda Somalia ay go’aan ku gaartay inay si awooda ah ciidamadeeda ula wareegaan caasimadda Galmudug oo muddo dheer ay gacanta ku hayeen Ahlus una.

Waxaa mar kale saaka magaalada Dhuusamareeb ka degay diyaarado sida ciidamo, hub iyo gaadiidka ay adeegsadaan madaxda dowladda Somalia ee aanay rasaastu karin, iyadoo lagu wado inuu halkaasi gaaro Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana magaalada ka furmaya shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug.

Hoggaamiyaah Ahlu suna Macalin Maxamuud oo ka hor yimid qorshaha xukuumadda ciidamo dheeraad ah ku geyneyso magaalada Dhuusamareeb ayaa sidoo kale sheegay inay dowladu jebisay heshiiskii dhex mary Ahlu suna, wuxuuna abaabul ka bilaabay magaalada Dhuusmaareeb, laakiin waxay wararku sheegayaan in inta badan ciidamadii Ahlu Suna ay diideen amar uga yimid oo ahaa inay ka baxaan ciiidamada dowladda ee ay ku biireen.

Abaabulo kale oo hoggaamiyaha Ahlu suna isku dayey si u fashiliyo qorshaha ciidamada dowladda Somalia kula wareegeen amniga magaalada Dhuusamareeb ayaa socon waayey, laakiin waxay wararku sheeyaan inuusan weli quusan ee uu wado qorshe ka dhan ah dowladda Somalia.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON