Saturday, February 29, 2020
More

    Macalin Max’ud: “Laga bilaabo Caawa waa inaan Hubkeena lasoo baxnaa, waxaan isaga celineynaa…”

    Hoggaamiyaha Ahlu suna ee Gobollada Dhexe Macalim Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa aamusnaantii ka baxay isagoo sheegay in Ahlu suna iyo taageerayaasheeda ay hubkooda lasoo baxaan, wixii dulmi wadana ay u adeegsadeen.

    Macalinka oo ka hadlayey shir taageerayaasha Ahlu suna uga furmay magaalada Dhuusamareeb ayaa si adag uga hadlay ciidamada dolwadda oo hor istaag ku sameeyay qaar ka mida taageerayaasha Ahlu suna ee shalay kasoo baxay degaanka Guriceel, kuna socday magaalada Dhuusamareeb.

    Ad

    “Inta fasaadka wada intaan soo dhoweysan lahayn, waxaan galeynaa inaan hubka-nagga ku darsano.., maanta intiina socotay haddii aad hub wadan lahaydeen nin idinka hadli lahaa ma jiro… Caawa laga bilaabo waxaan hub leenahay waan raadsaneynaa, waana soo qaadaneynaa .. cidna ku dhibi meyno, dowlad ku dhibi meyno, ruuxii fasaad wada ayana u dhibeynaa..” ayuu yiri Macalin Maxamuud.

    Wuxu sheegay inuu shalay qarax ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, taasoo muujineysa in Alshabaab loo gacan geliyey magaalada sida uu yiri, wuxuuna taageerayaashiisa ugu baaqay inay difaac u diyaar garoobaan.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    137,591FansLike
    1,337FollowersFollow
    4,184FollowersFollow
    137,591FansLike
    1,337FollowersFollow
    4,185FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!