Kooxda Macaawisley ee dagaalka kula jirta Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerar ku qaadeen degaanka Luuq Jeelow ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo Alshabaab ay maamusho,
Weerarkan ayaa sheegeen horjoogayaasha kooxda Macawisleyda in lagu dilay maleeshiyo ka badan 5, halka ay ku qabsadeen gaari nooca Homey ah oo cod-baahiye ku xiran yahay, wuxuuna degaanka uu dagaalku ka dhacay 20 KM dhinaca koofur ka xigaa magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Maxamed Cali Istakiin oo ah taliyaha cidiamada Macawisleyda ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dhinacooda uu hal dagaalame uga dhintay, mid kalena ka dhaawacmay weerarka, ayna weerarka u qaadeen kadib markii ay dadka degaankaasi ay cabasho ay ka soo gaartay.
Wuxuu intaas ku daray in Rasaasta ka helaan ciidamada Itoobiya, iyadoo hubkana ay siiso dowladda Federaalka, ayna ka go’an tahay inay la dagaalamaan Alshabaab. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Alshabaab.