Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliyeed ayaa soo dhoweysay go’aannadii kasoo baxay Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika oo lagu cambaareeyay muddo kororsigii Maxamed Farmaajo iyo Aqalka hoose ee Baarlamaanka.
Qoraal ay Midowga Afrika u direen Madasha Badbaadda Qaran ayey ku bogaadisay howsha AMISOM ka heyso Soomaaliya iyo mudadda dheer ee ay ciidamadooda sugayeen Amniga Soomaaliya oo u hureen naftooda, waxayna go’aanadda Midowga Afrika sheegeen inay ka tarjumayaan sida uu xog ogaalka ugu yahay xaaladda dalka.
Madasha waxay Midowga Afrika ugu baaqday inay degdeg u dhaqan geliyaan go’aanadii kasoo baxay, ayna bogaadisay ergeyga Midowga Afrika usoo magacaabayo Soomaaliya, waxayna caddeeyeen inay diyaar u yihiih Doorasho waqtigeeda ku dhacda oo xor iyo xalaal ah.
