Thursday, July 3, 2025

Madasha Xisbiyada oo soo jeedisay Laba Qodob oo ka maqnaa Heshiiska Doorashada 2020/2021 (Akhriso)

Madasha Xisbiyada Qaran ee ay hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa War kasoo saartay heshiiska Doorashada ee ay gaareen Madaxda Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada Dalka.

Madasha ayaa soo dhoweysay Hannaanka Doorasho ee lagu heshiiyay, waxayna caddeysay in lagu fashilmay ballanqaadkii in dalka laga qabto Doorasho Qof iyo Cod ah. War-murtiyeedka ayey Madashu ku baaqday laba qodob oo ka dhiman heshiiska, iyadoo ku baaqday:

1- In si degdeg looga heshiiyo dhismaha Guddiyada Doorashooyinka ee heerarka kala duwan, tilmaamaha shaqadooda iyo Jadwalka Doorashada.

2- In la sameeyo Guddi xaliya khilaafaadka Doorashooyinka oo ay caddahay waajibaadkooda shaqo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON