Qoral ay soo saareen Madasha Xisbiyada Qaran ee ay hoggamiyaan madaxweynayuaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud aya lagu cambaareeyay xadgudubyo la sheegay inay ciidamada Itoobiya ay ka wadaan Gobolka Gedo.
Waxaa qoraalka Madasha lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay wadaan afduub, cagajugleyn iyo xarig ay kula kacayaan madaxda maamulada degmooyinka kala ah Beled-xaawo, Luuq iyo Doolow ee Jubbaland, ayna madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ka hor istaageen inuu galo degmada Beledxaawo. Waxana qoraalka lagu sheegay inay Madaxweyne Farmaajo ay kala hadleen arrimaha Jubbaland kulankii ay dhowaan la yeesheen.
Madaxweyne Farmaajo ayey sheegeen inuu ka gaabinayo mas’uuliyaddii loo igmaday, taasoo bilow ah ka bixitaanka qaar ka mida qodobadii lagu heshiiyey.
Waxay dowladda Itoobiya ugu baaqeeen inay faraha kala baxdo Arrimaha Soomaaliya iyo muranka siyaasadeed oo u dhaxeeyay Soomaalida.

