Madasha Xisbiyadda Qaran ee ay hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si aan la fileyn usoo dhoweysay heshiiskii Doorashada ee magaalada Dhuusamareeb ay ku gaareen Madaxweynaha Soomaaliya, Saddex maamul Goboleed iyo G/Banaadir.
Qoraal hordhac ah oo caawa kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayey ku sheegtay inay soo dhoweyneyso hanaanka Doorashada ee kasoo baxay Dhuusamareeb III, ayna u aragto inuu yahay tallaabo loo qaaday dhinaca saxda ah.
Madasha ayaa sheegtay inay dib ka shaacin doonto go’aankeeda ku saabsan Qodobadda Heshiiska, waxayna dalbatay in heshiiska Doorashadu noqdo mid loo dhan yahay oo laga qeyb geliyo labada maamul ee ka maqan iyo madaxda xisbiyada dalka.

HOOS KA AKHRISO
