Qaar kam ida madaxda dowladda Soomaaliya ayaa booqday dhaawaca xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo xalay Gaari uu la socday lagu qarxiyey magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, guddoomiye ku xigeenka C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) iyo Ra’isal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Isbitaalka Digfeer ku booqday Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud (Booroow) oo xalay culus kasoo gaaray qaraxa, halka uu darawalkiisii ku dhintay.
Guddoonka Golaha Shacabka iyo Ra’isal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiir Isbitaalka oo ku saabsan dhaawaca Xildhibaanka. Waxayna wararku sheegayaan in xaaladda xildhibaan Boorow ay tahay mid adag.