Golaha Madaxda Dowlad Goboleedyada ee Iskaashiga Dowlad goboleedyada ayaa shuruudo ku xiray Shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo ee loogu yeeray inay Muqdisho isugu yimaadaan.
Qoraal kasoo baxay Golaha Waxay soo jeediyeen qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: in la helo daraf ay qeyb saddexaad oo door dhexdhexaadin ah iyo damaanad qaad bixin kara iyo in goobta uu shirka ka dhacayo amnigeeda la isla meel dhigo.
Qodobadda kale ayaa waxaa ka mida inay dowladu joojiso waxa lagu sheegay faragelinta qaawan ee ay ku heysto maamul goboleedyada, balse waxay sheegeen inay diyaar u yihiin wadahadal ay la galaan dowladda dhexe.
HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEED