Thursday, June 26, 2025

Madaxda dowlad Goboleedyada oo soo farageliyay Aqalka Sare & Go’aankii DP World oo Qarka u saaran in dib loo celiyo.

Xildhibaanada Aqalka sare  oo si weyn isugu khilaafsan ansixinta xeerkii dalka looga mamnuucay Shirkadda DP World ayaa laga cabsi qabaa inay dib u celiyaan xeerkaasi.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii ay madaxda maamul Goboleedyada soo farageliyeen oo ah xildhibaannada aqalka sare ku cadaadiyeen inay diidaan, dibna u celiyaan xeerkaasi, waxaana arrintaasi si weyn looga dareemay doodii xildhibaannada Aqalka Sare.

Dooda Aqalka sare ayaa metela mamul goboleedyada, waxaana qaar badan oo ka mida ay ku xiran yihiin maamul goboleedyada oo si weyn ug xiran Imaaraadka Carabta.

Xildhibaannada qaarkood ayaa soo jeediyay in xeerka lagu soo daro dalka Itoobiya oo qeyb ka ah heshiiska, waxayna arrinta u muuqataa inay uga dartay xiisadii siyaasadeed ee salka ku heysa fargelinta dowladaha shisheeye.

Dhibatada Laba aqal ee Baarlamaan ayaa soo shaac bixi doonta haddii ay dhacdo in xeerkan uu ka socon waayo Aqalka Sare.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON